U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu diley howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM  u jira magaalada  Kismaayo,  dhanka waqooyi galbeedna ka xiga lagu diley dagaallamayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Hawlagalkan ayaa lala beegsaday koox ka tirsan Alshabaab oo isoo abaabushay, isla markaana damacsanaa inay  weerar qorshaysan qaadaan, kaas oo laga war helay, islamarkaana laga hortagey sida ay sheegtay dowladdu.

inta la xaqiijiyay xubnaha lagu dilay hawlgalka ayaa gaaraya ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray  dadka rayidka, sida lagu xusay war saxaafadeed ay dowladdu soo saartay.