Soomaaliya iyo Uganda oo Soo Saaray War-murtiyeed Wadajir ah, Iskaashiga Amniga iyo Dagaalka Al Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah kaddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay…

Soomaaliya iyo Uganda oo Soo Saaray War-murtiyeed Wadajir ah, Iskaashiga Amniga iyo Dagaalka Al Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah kaddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Uganda 23-kii Nofeembar 2026.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa bogaadiyay dadaallada iyo naf-hurnimada ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxay bogaadiyeen dalalka ciidamada ku deeqay ee Soomaaliya ka taageera la dagaallanka argagixisada, iyagoo xusay askartii naftooda ku weysay iyo kuwii ku dhaawacmay howlgalada lagu xasilinayo dalka.

War-murtiyeedka ayaa si gaar ah loogu adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lana helo hannaan dhaqaale oo lagu taageerayo, laguna joogteynayo howlgalada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo dhaqaale ku filan, la saadaalin karo, islamarkaana waara oo lagu maalgeliyo howlgalka AUSSOM, si loo xoojiyo guulaha amni ee ilaa hadda la gaaray.

Dhanka kale, war-murtiyeedka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda dib-u-heshiisiinta, dowlad-wanaagga iyo dhismaha nabadda, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso loogu baaqay inay xoojiyaan wada-shaqeynta iyo midnimada dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale soo dhoweeyay heshiisyadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirarkii iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda, oo ay ka mid ahaayeen heshiiska shaqaalaha, heshiiska adeegga duulimaadyada iyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqashadiisa Uganda iyo ka qeybgalka munaasabaddii 64-aad ee sannad-guurada xorriyadda Uganda oo lagu qabtay Muqdisho, isagoo sidoo kale bogaadiyay xiriirka ganacsi ee labada dal.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments