U bood dhigaalka

Somaliland oo La Wareegtay Deegaanka Jiidali ee Bariga Ceerigaabo

Sheeko:War

Ciidamada Somaliland ayaa maanta la wareegay deegaanka Jiidali oo ku yaalla bariga magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag.

Deegaanka Jiidali ayaa ah mid muhiim ah, inkastoo uusan ku jirin furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ay Somaliland uga hortagayso dhaqdhaqaaqyada iyo go’aamadii kasoo baxay shirkii Ceelbuh, oo dhowaan lagu qabtay gobolka Sanaag. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mowqifka siyaasadeed iyo amni ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland.

Wararka laga helayo Jiidali ayaa muujinaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi ku sugan yihiin si ay u adkeeyaan ammaanka, iyagoo ka hortagaya in deegaankaasi uu noqdo goob ay ku xoogaystaan xoogagga ka soo horjeeda maamulka Somaliland.

Dhanka kale, dadweynaha deegaanka iyo siyaasiyiinta SSC-Khaatumo ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid cadaadis ah oo aan loo baahnayn, maadaama deegaanka Jiidali aanu ka mid ahayn meelaha ay ka socdaan dagaallada ama khilaafka tooska ah.

Xaaladda guud ee Jiidali ayaa weli degan, inkastoo welwel laga qabo in xiisaddu sii korodho, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay weli kacsan tahay.