Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadii xalay ka dhacay degmada Daarusalaam
Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday bar-hubin oo ay ciidamada nabad-gelyadu ku lahaayeen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.
qaraxa ka dib rasaas xooggan ayaa laga maqlay goobta, kuwaas oo jugta qaraxa xigay, islamarkaana aan la kala xaqiijin inay laba geesood ahaayeen iyo in Ciidamada amnigu ay ridayeen si ay uga hortagaan weerar ay gestaan raggii qaraxa fuliyay.
Qaraxan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka ayaa la sheegay inay fuliyeen koox abaabulan oo wadatay gaadiidka loo yaqaanno Moto fekon-ta, balse lama soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.
Laamaha nabad-gelyada ayaa sheegay inay ku daba jiraan qolyihii ka dambeeyay qaraxaas, waxaana war saxaafadeed ay booliska Soomaaliya lagu sheegay in qaraxyada dhacay ay ahaayeen kuwo macmal ah ama dheemish ah oo aan waxyeello geysan karin, balse looga gollahaa in caasimadda lagu qalqal-geliyo.
booliska Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Ciidamada nabad-gelyadu ay si adag uga hortageen falkii ka dhacay Daarusalaam oo ay ku tilmaameen isku day qalqal-gelin ah oo fashionable.