U bood dhigaalka

Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya iyo markab ay leeyihiin howlgalka Midowga yurub oo dhoola-tus tababar soo bandhigay

Taliska Ciidanka ilaalada xeebaha Boliiska Soomaaliyeed iyo Markabka dagaalka Howlgalka Midowga Yurub ee SANTA MARIA F-81 ayaa si wadajir ah u fuliyey Tababar kor loogu qaadayo Fulinta Sharciga Badda iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada badda ,waxaana uu ka qabsoomay gudaha Biyaha Soomaaliya .

Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha Deg dega ah , la dagaalanka Kalluumaysiga Sharci darada ah , ka hor tagga Burcad badeeda iyo sugidda amniga marinada maraakiibta Ganacsiga Caalamiga ah.

Saddex Doonyood oo nooca hawlgalada ah iyo diyaarad Helicopter ah ayaa lagu fuliyey Tababarkan oo sidoo kale kor loogu qaadayey xirfadaha Saraakiisha ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed