Xabbad-joojinta ay ka shaqeeyeen dalalka Qatar,Mareykanka, iyo Masar ayaa maanta oo Axad ah ka dhaqan-gelaysa marinka Qaza, ka dib 15 bilood oo dagaal lagu hoobtay uu ka socday halkaas.
Dhexdhaxaadiyaasha ayaa ku guulaystay in labada dhinac ee Xamaas iyo Israa’iil ay isku afgartaan heshiis isugu jira Xabbad-joojin iyo maxaabiis is dhaafsi, kaas oo lagu tilmaamay tillaabo xagga nabadda gobolka.
Heshiiskan ayaa dhaqan-gelaya xilli ay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ahi ay ku naf waayeen dagaal nooc kasta oo hub ah ay Israa’iil u adeegsatay, kaas oo billowday maalmo yar ka dib duullaankii duufaanta Aqsa ee 7-dii bishii Oktoobar sanadkii 2023 ay Xamaas ku qaaday hubka la haysto.




From the comments