U bood dhigaalka

Puntland oo sheegtay inay isku soo dhiibeen xubno ka tirsanaa kooxda Daacish

Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay isku soo dhiibeen Xubno sar sare oo katirsanaa kooxda Daacish ee ciidamada Difaaca maamulkaas, isagoo ka faa’idaystay fursad cafis oo horay loogu dhawaaqay.

Puntland ayaa sidoo kale intaa ku dartay
inay maxaabiista laga qabto kooxdaas ee isugu jirta Soomaalida iyo Ajaanibta, ula dhaqmayaan si wanaagsan inta caddaaladda laga horgeynayo.

Howlgallada ay wadaan ciidamada Puntland ee ka dhanka ah kooxdaha Daacish iyo Al-shabaab ayaa si xawli ah uga socda gobolka Bari, ayadoo Saraakiisha hoggaaminaysaahi ay guullo waaweyn ka sheegteen.