U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay kulanka dhex maray madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ?

Sheeko:War

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo socdaal shaqo ku jooga caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar ayaa ka qeyb galay fadhiga Golaha Wasiirrada maamulkaas, oo uu guddoominayay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) iyada oo lagu dhageystay warbixin la xiriirta Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Amniga Gudaha, Awqaafta, Waxbarashada iyo Gargaarka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo jeediyay Warbixin la xiriira dedaallada Wadajirka ah ee Xasilinta degmooyinka iyo deegaannada Hirshabeelle ee laga xoreeyay khawaarijta, iyagoo soo bandhigay guulaha la gaaray.

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka qaybgalay Kulanka Bandhigga Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ee sanadkii 2024 iyo qorshaha cusub hortabinta u leh Sanadka 2025.

Safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa la xiriira howlo badan oo ay ka midyihiin, Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Dowladaha Hoose iyo arrimo kale.