U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xaqiijiyay in Ciidamada masar ay dhowaan dalka imaanayaan

Sheeko:War

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Masar ay dalka muddo saddex bilood ah gudahood, ayagoo qeyb ka noqanaya howlgalka AUSSOM.

Dhanka kale wasiirku  in hadda uu socdo wada-hadal farsamo oo looga wada-xaajoonayo goobihii la kala dejin lahaa ciidamada ka kala imaanaya dalalka Masar iyo Itoobiya, si ay uga wada qayb-galaan howlgalka AUSSOM.

“Ciidamada Masar iyo Itoobiya ee ku biiraya AUSSOM, waxaa socda wada-hadal farsamo, saddex bilood gudahood ayay dalka ku imaan doonaan,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Dowladaha Masar iyo Itoobiya oo ay ka dhexayso xiisad xoogan oo ka dhalatay biya-xareenka ay Itoobiya sameysatay oo Qaahira ay u aragto mid yaraynaya biyaha webiga Niil, ayaa dowladda Soomaaliya labadooda heshiis kula gashay inay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM, lamana oga sida ciidamadoodu ay uga fogaan doonaan ku lugyeelashada hardan xurgufka ku salaysan khilaafka dalalkooda ka dhex aloosan .