U bood dhigaalka

Xamaas oo sii daysay 4 dumar oo kamid ahaa dadkii ay gacanta ku hayeen.

Xamaas ayaa sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, waxayna tillaabadani qeyb ka tahay is-dhaafsiga maxaabiista inta lagu jiro heshiiska xabbad-joojinta ah.

Afartan dumarka ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan xoogagga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Haweenkan ayaa muuqaallo laga soo duubay waxay muujinayeen ayagoo gacanta u haadinaya dadka, islamarkaana dhoola-cadeynaya ka hor intii aan lagu wareejin hay’adda ICRC oo u geysay ciidamada Israel.

Dumarkan oo ka tirsanaa militariga Israa’iil ayaa  kala ah – Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag oo dhamaantood ka howlgalayay aagga marinka Qasa, ka hor intii aanay Xamaas ku soo qaban howlgalkii duufaanta Aqsa ee 7-dii bishii Oktoobar.