U bood dhigaalka

Askar malaawiyaan ah oo lagu diley dalka Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Koongo

Saddex ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Koongo oo u dhashay Malawi ayaa lagu dilay iska horimaad ay bariga dalkaas kula galeen dagaalyahannada M23 ee ay Rwanda taageerto.

afhayeen u hadlay milatari Malawi oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ayaa yiri “Waxaan xaqiijinaynaa khasaaraha saddex ka mid ah ciidamadeenna geesiyaasha ah, kuwaas oo qayb ka ahaa Hawl-galka SADC ee DRC,”

af-hayeenkan oo lagu magacaabo Emmanuel Mlelemba, ayaa intaas ku daray in askarta la diley ay ku gudaha jireen gudashada waajibaadkooda xilli ay la kulmeen jabhadda M23 ee ka howlgasha bariga DRC, islamarkaana halkaas ay rasaas isku waydaarsadeen.

Jamhadda M23 oo ay taageerto dowladda Rwanda ayaa sanado badan dagaal kula jirtay ciidanka dalkaas iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalkan aan xasilloonayn ee ku yaalla bartamaha Afrika.