Faahfaahinno ka soo baxaya diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo ku dhacday diyaarad ciidan
Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda American Airlines ayaa ku dhacday diyaarad qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee Black Hawk, xilli ay ku sii jeedday dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan ee Reagan National Airport oo u dhow magaalada Washington, D.C., sida ay sheegeen hay’addda maamulka duulista hawada Mareykanka ee FAA iyo saraakiisha difaaca dalkaas.
Duulimaadkan oo numberkiisu ahaa 5342 ayaa waxaa saarnaa 64 qof oo rakaab ah, waraku waxay sheegayaan inay jirto khasaaro dhimasho, waxaana goobta ku sugan ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdega.
Hannaanka EarthCam ayaa muuqaal kooban oo muujinaya isku dhaca labada diyaaradood, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan dhacdadan oo hadda haysata cinwaanada ugu horreeya ee warbaahinta.