Madaxweynaha Puntland oo farriin nabadeed u diray Soomaaliland
Sheeko:War
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo ka hadlayay xiisadaha ka taagan magaalada Ceerigaabo iyo deegaanno ka tirsan gobolka Mudugu, ayaa xukuumadda cusub ee Soomaaliland ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan nabadda magaalada Ceerigaabo.
Siciid Deni ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag 30-kii sanoo la soo dhaafay dadka degani ay nabad ku wada noolaayeen, haddana loo baahanyahay qulqulatooyinka ka taagan lq xalliyo.
Wuxuu intaa ku daray in cadowga keliya ee ay Puntland iyo Soomaali oo dhami leedahay uu yahay kooxaha Daacish iyo Alshabaab, islamarkaana ay tahay in la joojiyo dagaal kasta oo midka qolyahaas lagula jiro ka baxsan.