su’aalihii ugu muhiimsanaa ee la weydiiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 1-aad ee XFS iyo sharraxaaddii uu ka bixiyay xaaladda dalka
Ra’iisul wasaare ku xigeenka koobaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb-galay kulan ay warbaahintu su’aala ku weydiinaysay, ayaa sharraxaad ka bixiyay xaaladda dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda hadda jirta.
Arrimaha uu ka hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenku ayaa isugu jiray xaaladda amni ee dalka, koca dhaqaalaha, arrimaha Bini’aadantinimada, waxbarashada, xariirka caalamiga ah, deyn cafintii, iyo shidaalka ay baaristiisu hadda socato.
1) Amniga
Ra’iisul wasaare ku xigeenku wuxuu sheegay in markii ay xukuumaddani talada la wareegaysay cabsida qaraxyada iyo canshuuraha ay Al-shabaab bulshada ka qaadaani aad u badnaayeen, balse haatan goob walba oo caasimadda kamid iyo gobollada fog fog ee dalkaba ciidama qaranku ku suganyihiin, taasina ay keentay xasilloonida maanta laga dareemayo inta badan degmooyinka iyo deegaannada dalka.
2) Arrimaha Bini’aadantinimada
Mar uu ka hadlayay arrimaha Bini’aadantinimada wuxuu tilmaamay in maalaayiin Soomaali ahi ay xaalad macaluul ah qarka u saarnaayeen markii dowladda hadda jirtaahi ay talada dalka la wareegtay, balse hadda wuxuu sheegay in arrintaas si weyn wax looga qabtay, haddii sanado ka hor maraakiibi ay gargaar keeni jirtayna, haatan ay shidaal qodis awgeed u imaanayaan.
3) Xaaladda Siyaasadda
mar wax laga weydiiyay khilaafka doorashada iyo xiisadda u dhexaysa Jubbaland iyo dowladda wuxuu sheegay in saluugga la muujinayo qaabka ay doorasho qof iyo cod ahi u dhici karto, wuxuu sheegay in duruuf walba oo doorashada hor taagan laga gudbi karo, shakiga ay dadka qaar ka qabaan sida wax u socdaanina uu lamid yahay saluugyo iyo dhaliilo weligeedba taagnaa oo taniyo shirkii carta soo jiitamayay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay la socato in madaxweynaha Jubbaland uu ku suganyahay dalka Kenya, arrintaas waddo diblomaasiyadeed lagu wajahay, xukuumadduna ay ka hadli doonto.
5) Deyn cafinta
Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac wuxuu sheegay in inkastoo Xukuumadda hadda jirtaahi aysan guushaas gaar u sheegan karin, haddana deyn cafintu ay kamid ahayd waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee sanadihii la soo dhaafay la xaqiijiyay.
6) dhulalka dowladda
Ra’iisul wasaare ku xigeenku asagoo si kooban uga hadlaya dhulalka dowladda muddooyinkan dambe hadal-hayn xoogani ka taagantahay, ayuu sheegay in dadka deggan dhulka dan-guud ah ee waqtiga dheer ku noolaa ay tahay in loo sharciyeeyo, wixii ay dowladdu si degdeg ah ugu baahantahayna ay ka saarayso qoysaska deggan, si bulshada loogu adeego.
Ra’iisul wasaare ku xigeenku sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo kale oo ay kamid yihiin dagaalka ay Puntland kula jirtoo kooxda Daacish oo uu bogaadiyay, iyo arrimaha dublumaasiyadda oo uu sheegay in 3-dii sanoo la soo dhaafay dowladdu ay hormar weyn ka samaysay.