U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee Suuriya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Al-Sharaa oo ah Madaxweynaha ku meelgaarka ee Jamhuuriyadda carbeed ee Suuriya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoggaanka cusub ee Suuriya u rajeeyay inuu xilka madaxtinimo ee xilliga kala guurka ah, uga mira-dhalin doono xaqiijinta rajada iyo rabitaanka shacabka Suuriya ee ku aaddan isbeddelka.

Suuriya oo ku dhowaad 60 sano ku jirtay xukun keli-talis ah ayaa dhowaan gashay isbadel maamul, ka dib markii talada laga tuuray Bashar Al-assad oo taniyo 2000-dii hoggaanka hayay, waxaana hadda Madaxweyne ku meelgaar ah ka noqday Axmed Al-Sharaa oo ahaa madixii jamhadda Hayat Tahrir Al-Sham.