U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay Asad Xaajiyow

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow ayaa ku dhiirrigeliyay go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeelladii ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.

“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo. Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa kusoo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa”.

Munaasabadda kaddib, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka  Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed, taas oo ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.