U bood dhigaalka

Qaar kamida dalalka Islaamka oo si adag u diiday in falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda

Sheeko:War

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dadaal xoogan gelinaya sidii uu u hirgelin lahaa qorshe uu ugu yeeray nadiifinta iyo dib u dhiska marinka Qasa, kaas oo uu ku doonayo inuu dadka halkaas deggan dalal kale ugu raro.

Dowladaha Masar iyo Urdun oo uu markii hore u bandhigay in dalalkooda loo rararo dadka reer Qasa, ayaa diiday dalabkaas, ka dib waxaa soo baxay warar saacadihii la soo dhaafay warbaahintu ay qoraysay oo ahaa in Morocco iyo Soomaaliya la geynayo dadka dhulkooda laga masaafirinayo ee reer Qasa.

Haddaba qaar kamid ah dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee dunida ayaa arrintaas si adag u diiday, waxaana kamid ah maleesiya iyo Indonesia oo arrintaas si weyn uga horyimid, war saxaafadeedyona ka soo saaray.

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Indonesia ayaa lagu yiri “Waxaan si adag u diidannahay isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo ama la beddelo tirada dadka ee dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, tallaabadan oo kale waxay caqabad ku tahay in la gaaro madax-bannaanida iyo dawlad Falastiin ay leedahay”.

Sidoo kale Maleesiya ayaa ayaduna war saxaafadeed ay soo saartay sidan ku tiri “Waxaan si adag uga soo horjeednaa soo jeedin kasta oo horseedi karta in Falastiiniyiinta si qasab ah looga baro-kiciyo ama laga soo wareejiyo dalkooda, falalkaas ka baxsan bini’aadantinimadu wyxuu ka dhigan yahay mid sir-sifayn iyo xad-gudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay”.

Dowladaha Aljeeriya iyo Sucuudiga ayaa ayaguna dhowaan sheegay in xalka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta keliya loo mari karo in la helo laba dowladood oo kala madax-bannaan, balse Soomaaliya iyo Morocco weli kama hadlin wararkii ugu dambeeyay ee sheegaya in dalalkooda dadka reer Qasa loo rarayo.