Xamaas oo sii deysay seddax qof oo Israa’iiliyiin ah
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/08120930/skynews-eli-sharabi-ohad-ben-ami_6822457.jpg)
Xamaas ayaa maanta sii deyneysa 3 Maxbuus oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ay ku beddelanayso 183 qof oo ku xiran xabsiyada Israa’iil, waana markii shanaad ee ay labada maxaabiis is-dhaafsanayaan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Qasa.
Arrintan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedinta Trump ee ku aaddan in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool, islamarkaana Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha la sii daynayo ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac maxbuus.
Saddexda nin ee lagu wado in ay Xamaas sii dayso ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas, waxaana magacyada 3-dan qof xaqiijiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu.