Ciidanka booliska oo la wareegay guriga hooyooyinka
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/09070334/hooyooyinka.jpg)
Cutubyo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa la wareegay amniga dhismaha guriga hooyooyinka oo muddooyinki la soo dhaafay uu ka taagnaa muran u dhexeeya ururka haweenka Soomaaliyeed iyo Wasaaradda arrimaha qoyska iyo xaquuqul Insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankan oo wata gaadiidka gaashaamani ay saaka aroortii isku gadaameen dhismaha guriga hooyooyinka, ayagoo gudaha u galay inta badan xafiisyada dhismahaas ku yaalla.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhawr dumar ah oo ka tirsan ururka haweenka ay xireen ciidamadu, lamana oga ujeedka tillaabadan, balse marun xooggan oo u dhexeeya Wasaaradda qoyska iyo xaquuqul iyo ururka haweenka ayaa muddooyinkii ka dambe ka taagnaa dhismahan muhiimka ah ee xarumaha badani ay ku yaallaan.