Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal beeleed ka socda degmada Luuq
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya labada meleeshiya beeleed, waxaana hawada ka maqan isgaarsiintii deegaankaas, sida ay sheegeen ila xog-ogaal ah oo ku sugan gobolku.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, balse wararku waxay sheegayaan in is rasaasaynta labada dhinac ay gudaha magaalada ka socato, islamarkaana isku socadkii iyo howlihii socday ay hakad galeen.
Degmada luuq ayaa waxaa bilo ka hor ku dagaalamay maleeshiyaad ka soo kala jeeda laba beeleed oo halkaas wada deggan, balse masuuliyiin deegaanka ka soo jeeda iyo waxgarad dadaal dhexdhaxaadin ah muddo waday ayaa ku guulaystay inay labada dhinac heshiis ka gaaraan colaadkii degmadaas ka taagnayd.