Masar oo marti-gelinaysa shir degdeg ah oo ku saabsan xaaladda falastiin
Sheeko:Wararka Caalamka

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay marti-gelin doonto shir degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka Carbtu ,kaas oo looga hadlayo xaaladda dowladda falastiin iyo tillaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Shirkan oo magaalada Qaahira ka dhici doona 27-ka bishan Febraayo magaalada, ayaa waxaa isku dubariday Baxreyn, oo hadda haysa shir guddoonka madaxda Carabta, iyo Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.
Shirkan ayaa la sheegay inay codsatay falastiin, waxaana la filayaa in looga hadli doono xaaladda gobolka iyo qorshaha Mareykanka ee ah in qasab lagu raro dadka ku nool marinka Qasa, taas oo ay dowladaha dunida intooda badan, gaar ahaan kuwa Carabta iyo islaamkuba ka soo horjeesteen.