U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Saldhigyo Ay Ka Carareen Daacish

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii ballaariyay howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo isku fidiyay deegaanno hor leh oo ay kamid yihiin Hararyo ilaa Qurac ee Togga Jaceel.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada ayaa lagu sheegay in ciidanka ay dhaq-dhaqaaq ciidan oo ballaaran ka sameeyeen deegaanka Hararyo, isla markaana ay ku sii fideen dhanka Qurac, halkaas oo ay ugu tageen saldhigyo ay horey u daganaayeen kooxda Daacish.

Hawlgalka ay wadaan ciidamada Puntland ayaa ah mid lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysta dhulka buuraleyda iyo dhulka howdka ah ee Puntland.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in ciidanku sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga cirib tiro kooxaha khatarta ku ah amniga deegaannada Puntland.