U bood dhigaalka

Puntland oo ka digtay in xubno Daacish  ah oo dagaalka gobolka Bari ka cararayaahi u ku fidayaan gobollada kale ee dalka

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay kooxda Daacish ay ku fidayaan gobollada koonfureed ee dalka iyo deegaannada Soomaaliland,  ayagoo ka baxsanaya dagaalka culus ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Puntland Shiine Cabdi Axmed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sii jeeda gobollada koonfureed ee dalka, halka qaarkoodna ay ku wajahnaayeen dhinaca Soomaaliland.

Taliyaha ayaa ciidamada nabad-gelyada ugu baaqay inay ammaanka baraha hubinta adkeeyaan, islamarkaana ay gacanta ku dhigaan waxa uu ku tilmaamay shar-wadayaasha firxadka ah.

Dagaalka culus ee ka socda gobolka Bari ayaa lagu dilay boqolaal dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Daacish, halka qaar kale oo ajaanib iyo Soomaaliba isugu jirana la rumaysanahay inay deegaanno u aag badalayaan si ay gabaad uga dhigtaan.