U bood dhigaalka

Shilalka diyaaradaha oo ku soo badanaya dalka Mareykanka

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad ganacsi ay ku kacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Scottsdale ee gobolka Arizona, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Dave Folio oo ah afhayeenka Waaxda Dab-damiska ee Scottsdale, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ugu yaraan afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen shilka.

29-kii bishii Janaayo ayay markii ugu yaraan 21 qof ay ku dhinteen ka dib markii ay isku dheceen diyaarad militari iyo duulimaad ay lahayd shirkadda American Airlines, oo ka baxaysa garoonka Reagan National Airport ee magaalada Washington, waxaana dhacdadaas lagu tilmaamay tii ugu dhimashada badnayd wixii ka dambeeyay 2001-dii.