Ciidanka Booliska oo Faahfaahin Ka Bixiyey Dagaalkii Ka Dhacay Cabdicasiis
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey dagaalkii shalay ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay in weerarka ay qaadeen koox abaabulan oo ka hor timid fulinta amar maxkamadeed, taasoo sababtay iska hor imaad hubeysan.
Boolisku waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, halka afar kale ay baxsadeen, kuwaasoo lagu raad joogo.
Afhayeenka ayaa xusay in ciidanku ay waajibaadkooda gudanayeen oo ay u joogeen joojinta dhisme sharci-darro ah oo maxkamaddu horay u mamnuucday.
Xaaladda ayaa hadda daggan, waxaana ciidamada ammaanku ay si buuxda ula wareegeen goobtii lagu muransanaa.
Booliska ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadi doonaan baaritaanka la xiriira dhacdadan, si sharciga loo hor keeno cid kasta oo ku lug lahayd weerarka.