U bood dhigaalka

Mareykanka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay duqeyn uu bishii hore ka fuliyay calmiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo (Africom)
Shaaciyay khaasaraha ka dhashay duqeymo ka dhan ah Daacish oo gobolka Bari, gaar ahaan meel qiyaastii 50 mayl u jirta magaalada Boosaaso.


Afrikom oo xustay in duqeyntan  ay iskaashadaan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​14 ka tirsan Daacish-Soomaaliya lagu dilay weerarkaas, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka rayidka ah.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah Ahmed Maeleninine, oo askaraynta , maalgelinta u qaabilsanaa kooxda Daacish, iyo sidoo kalena ahaa hogaamiyihii howlgallada dibadda ee ISIS, sida lagu sheegey warka uu soo saaray taliska Mareykanka ee Afrika.

Africom ayaa intaas ku dartay in ay ku dadaalayaan bedqabka dadka rayidka ah, islamarkaana duqeymahaas aan wax khasaare ahi ka soo gaarin cid ka baxsan xubnihii Daacish ee bartilmaameedku ahaa.