U bood dhigaalka

Puntland oo sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay dishay 89 xubnood oo Daacish ah

Puntland ayaa sheegtey in dagaalkii ugu dambeeyay ee ciidamada Difaaca iyo kooxda Daacish ku dhex maray buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga jaceel lagu dilay in ka badan 89 xubnood oo Daacish ah.


Meydadka dagaalamayaashan ayaa lagu arkay heeraraha togga iyo godad ay xubnaha kooxda Daacish horay aaggaas uga qoteen, sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho dowlad goboleedka Puntland.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari oo galay bishii labaad ayay ciidamadu Puntland guulo wax ku ool ah ka gaareen, ayagoo diley boqolaal dagaalame oo isugu jira ajaanib iyo Soomaaliya, sidoo kalena nolosha ku qabtay tiro badan oo ka tirsanaa kooxdaas.