U bood dhigaalka

Maxaad ka taqaannaa Taariikhda dalka Azerbaijan?

Jamhuuriyadda Azerbaijan, waa dal laba qaaradle ah oo yaalla dhanka galbeedka ee qaaradda Aasiya iyo bariga Yurub, wuxuuna soohdin la leeyahay Armenia, Georgia, Iran, Russia, iyo Turkiga. 

Dalkani wuxuu dhacaa gobolka Caucasus, caasimadda iyo magaalada ugu weyn Azerbaijan waa baku, halka tirada dadweynaha lagu qayaaso 10,336,577, kuwaas oo ku dhowaad 3 milyan oo kamid ahi ay caasimadda ku noolyihiin.

Azerbaijan inkastoo badda Caspian-ku ay marto , haddana waxaa lagu tiriyaa dal aan badda lahayn, maxaa yeelay badda Caspian-ku kuma darsanto ama ku xirna badweyn dunida kale ku xariirisa, sidaas awgeed wax weyn kama duwana harooyinka waaweyn ee caalamka.

Jamhuuriyadda Azerbaijan waxaa la aas aasay 28-kii bishii May, sanadkii 1918-dii, ka dib burburkii Boqortooyada Ruushka, balse waxay laba sano ka dib ku biirtay midowgii Sofiyeeti oo ilaa 1991-kii ay ka tirsanayd, madaxweynaha dalkuna waa Ilham Aliyev oo ilaa 2003-dii talada hayay.

Luuqadda rasmiga ah ee dalku waa Azerbaijani, waxaana qoymiyadaha ugu weyn ee dalkan ku nool kamid ah Azerbaijani, Lezgins, Kurds, Avars, Molokans, Budukh, and Shahdagh, diinta islaamka ayaana ah midda ugu badan ee dadweynuhu rumeysanyihiin, balse bulshooyinka qaar ayaa haysta caqiidooyinka kirishtaanka iyo yuhuudda.

Dalkan dhaqaalihiisu wuxuu boqolkiiba sagaashan ku tiirsanyahay gas-ka iyo saliidda uu dibedda u dhoofiyo, waxaana dakhligiisa loo arkaa mid dhexdhexaad ah, markii la eego heerka nolosha bulshada.


Dalkani wuxuu leeyahay cudud militari oo gobolka ka dhex muuqata, wuxuuna ku dhaqmaa siyaasad dhexdhaxaad ah, asagoo xulufo la ah Ruushka iyo Turkiga oo labaduba soohdin la leh.