U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada guddoonka Midowga Afrika

Sheeko:War

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka socata doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika, oo ay hadda isugu soo hareen ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila odinga iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Jabuuti.

Doorashada oo hadda gashay wareeggii 6-aad ayaa waxaa hoggaaminaya maxamuud Cali Yuusuf oo ah murashaxa Jamhuuriyadda Jabuuti, kaas oo haysta 26 cod, halka Raila odinga uu haysto 22 cod.

Doorashada oo ah mid aad u adag ayaa la filayaa in dhowaan la soo gabagabeeyo, waxaana la saadaalinayaa in danjire Maxamuud Cali Yuusuf oo ah murashaxa Jabuuti uu xilka ku guulaysan doono, haddii aan wax is badelin.

Jaan-goynta guusha ayaa ah in murashaxu uu helo seddax meelood laba meel codadka doorashada, taas oo aanu Maxamuud Cali Yuusuf weli xaqiijin, balse horreyntiisa ayaa saadaal weyn ka bixinaysa si ay natiijada ugu dambeysaahi noqan doonto.