Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeymo lala eegtay kooxda Daacish ee gobolka Bari

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay iskaashadeen ciidanka Mareykanka ee Africom lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Daacish ee gobolka Bari.
Howlgalkan ayay dowladdu sheegtay in lagu xoojinayo dagaalka ay ciidamada dowlad goboleedka Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Warka ay soo saartay dowladdu laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, balse waxaa lagu sheegay in qeymayn ka dib la shaacin doono waxyeellada rasmiga ah ee la gaarsiiyay kooxda.
Ciidanka dowlad goboleedka Puntland ayaa bishii labaad dagaal toos ah kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, waxaana dagaalkaasi uu sababay in la diley hoggaamiyaal badan oo isugu jiray ajaanib iyo Soomaaliba.