U bood dhigaalka

Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn xalay ka dhacday buuraha Calmiskaad

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay xalay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee Puntland lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan kooxda ISIS, iyadoo aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa intaas ku daray in duqeyntan ay fuliyeen iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah howlgallada isdaba-joogga ah ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha sar-sare ee kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Calmiskaad.

Bishan horraanteedii, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday 1-dii Febraayo lagu dilay Axmed Maeleninine, oo ahaa sarkaal sare oo u dhashay dalka Cumaan, kana tirsanaa kooxda ISIS. Maeleninine ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa askaraynta iyo maalgelinta howlgalada dibadda ee kooxda, oo ay ku jiraan weeraro laga fuliyo dalalka Mareykanka iyo Yurub.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeymo ka dhacay deegaanka Shebaab ee buuraha Calmiskaad lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib.

Duqeyntan ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaari saadka u siday kooxda.

Howlgalladan wadajirka ah ee ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lagu beegsanayaa xarumaha iyo xubnaha muhiimka ah ee kooxda ISIS, si loo wiiqo awooddooda iyo khatarta ay ku hayaan gobolka.