Puntland oo soo saartay amarro ka dhan ah dadka ajaanibta ee Tuugsada
Sheeko:War

Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay amar culus oo lagu xirayo number-da iyo akoonada dadka ajaanibta ah ee ka tuugsada magaalada maamulkaas.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka, iyo dalxiiska Puntland ayaa lagu amray Shirkadaha isgaarsiinta inaan akoomo iyo numberro cusub loo furi karin dadka tuugsada ee ajaanibta ah, sidoo kalena ay xiraan kuwa hadda shaqeeya ama la isticmaalayo.
Puntland ayaa horay u mamnuucday ajaanibta number-da warqadaha ku qoran wata ee ka tuugsada jidadka magaalooyinka, ayadoo arrintaas lala xariirinayo dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda gobolka Bari.