Ciidanka Daraawiishta Puntland oo si buuxda ula wareegay deegaanno cusub oo ay horay u haysatay Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa la wareegay deegaanka Sheebaab oo ka mid ahaa meelihii ay fariisimada ciidan ku lahaayeen dagaaleyaasha kooxda.
Sawirro baraha bulshada ee warbaahinta dowlad goboleedka Puntland la soo geliyay ayaa muujinaya ciidamada oo ku gaaf wareegaya tuuladan ku taalla dusha sare ee buuraleyda Cal-miskaad, islamarkaana kooxda Daacish ay fariisimaha muhiimka ku lahaayeen.
Ciidamada ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen
kaydad ciidan oo ay kooxda Daacish ay lahaayeen, kuwaas oo isugu jira shidaal iyo saad kale oo xagga sahayaha ciidanka ah.
Qabashada Sheebaab ayaa kamid ah guulaha wax ku oolka ah ee ciidamadu ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, dhowr ayayna duqeymo kala duwani ka dheceen deegaankan.