U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay gobolka shabeellada dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal lala beegsaday dagaalsmeyaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo ka dhacay gobolka shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri “Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa  fuliyay howlgal  duqeyn ah oo lala beegsaday xubno kq tirsan kooxda Alshabaab, laguna jabiyay weerar ay ku soo qaadeen magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle”.

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab, oo isku dayay inay deegaankaas weerar gaadmo ah ku soo qaadaan sida lagu sheegay war saxaafadeedka dowladdu soo saartay.

Dagaallo culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan iyo shabeellada dhexe ayay dowladdu sheegtay in lagu diley in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, sidoo kalena qalab iyo saanad ciidan looga furtay.