U bood dhigaalka

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya howlgal ay ciidanka xoogga dalku ka fuliyeen agagaarka deegaanka Ceel Baraf

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weerarka culus ku qaaday xubno ka tirsan Kooxda Alshabaab, kuwaas oo ku sugnaa duleedka magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Weerarka ayaa yimid kadib markii saraakiisha ciidanka ay ka war in dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab ay halkaas isku aruursanayeen, ka dibna ciidamada ayaa weerar kadis ah ku qaaday.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa sheegay in khasaare culus la gaarsiiyey xubnihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka lagu qaaday, waxayna dhacdadani qeyb ka tahay howlgallo iyo dagaallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka shabeellada dhexe.