U bood dhigaalka

Golaha ammaanka qaramada Midoobey oo cusboonaysiiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Alshabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u cusbooneysiiyay xayiraadihii uu horay u saarayd kooxda Al Shabab, wuxuuna dalalka dunida ugu baaqay inay ka hortagaan shixnadaha hubka ah ee sida sharci-darrada ah loogu geynayo kooxda.

Dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si aqlabiyad buuxda ah ku ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2776, kaas oo lagu kordhinayo muddada xayiyaaradaha kala duwan ee saaran Al Shabab iyo xannibaad dhoofinta dhuxusha.

Ergayga dowladda Guyana u joogta golaha ammaanka oo ku hadlaysa afka dowlaha Afrika ee ku jira golaha ayaa sheegtay inay ku faraxsanyihiin tillaabadan, sidoo kale dowladaha waaweyn ee reer galbeedka ayaa taageero u muujiyay qaraarkan.

Cunaqabateyntan ayaan saameyn doonin ciidanka dowladda Soomaaliya qeybihiisa kala duwan, waxayna qaar kamid ah xubnaha golaha ammaanku ku baaqeen in xayiraaddan la waafajiyo dagaalka lagula jiro kooxda ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa la rumaysanyahay inay shixnado hub ah ka keensadaan dunida, ayagoo adeegsanaya marinnada badda-cas, sidoo kalena ka faa’iidaysanaya xariirka ay la leeyihiin ururrada kale ee xagjirka ah.