Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo Digniin Kasoo Saartay Weeraro iyo Qaraxyo laga cabsi qabo
Sheeko:Arrimaha Amniga

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aaddan khataro la xiriira weeraro iyo qaraxyo laga fulin karo goobo kala duwan oo ku yaal Muqdisho.
Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa lagu sheegay in la helay xog sheegaysa in bartilmaameedyo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale la damacsan yahay in lagu beegsado weeraro.
Digniinta ayaa sidoo kale xustay in la adkeeyay amniga safaaradda, iyadoo shaqaalaha loo soo jeediyay inay xaddidaan dhaqdhaqaaqooda si ay uga fogaadaan khataraha suurtagalka ah.
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda, iyadoo shacabka uga digtay inay feejignaadaan oo ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.