Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay go’aamo adag oo ka dhan ah dadka faafiya wararka been abuurka ah

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta digniin culus ka soo saaray faafinta wararka khatar gelin kara amniga qaranka iyo baahinta wararka been abuurka ah.
Golaha Wasiirada ayaa uga digay warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan baahinta xogaha marin-habaabinta ah iyo kuwa wax u dhimaya amniga qaranka.
Waxay xuseen in hay’adaha amniga ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo faafinta warar been abuur ah oo keeni kara qalqal amni.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa amar ku bixiyey in xeendaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde aan lala geli karin wax hub ah ama gaadiid dagaal, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u soo saartay tallaabooyin ay ku xakameyneyso faafinta wararka marin-habaabinta ah, iyada oo xukuumaddu ay si gaar ah ugu digtay dadka baraha bulshada u adeegsada faafinta xogaha khaldan ee keeni kara cabsi-gelin iyo jahwareer bulsho.