U bood dhigaalka

Itoobiya iyo Israa’iil oo ka wada-hadlay la dagaallanka Alshabaab

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa Arbacadii magaalada Qudus kula kulmay dhiggiisa Itoobiya, Gedion Timothewos, iyagoo ballan qaaday inay xoojinayaan xiriirka labada dhinac ee ammaanka, beeraha iyo arrimo kale. “Iskaashigeenu hadda wuxuu khuseeyaa beeraha, caafimaadka, hal-abuurka, dhaqanka, iyo kuwo kale, Laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa inay dhawaan soo koobmi doonto wax badan oo kale,” ayuu Saar u sheegay warbaahinta.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedion Timothewos ayaa ammaanay tignoolajiyada casriga ah ee Israa’iil, waxa uuna sidoo kale sheegay in la joogo waqtigii loo bedeli lahaa xiriirkooda labada dhinac iskaashi weyn oo ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, sirdoonka macmalka ah, iyo beeraha.

Sidoo kale labada wasiir ayaa isla soo qaaday la dagaallanka Xamaas, Xisbullahi, Xuutiyiinta, iyo Alshabaab “Argagixisadu waa khatar lal wadaago dadkeena,” ayuu Sa’ar ka yiri kulanka.

Asagoo intaas ku daray “Waxaan aragnaa argagaxiso Islaami ah oo xagjir ah oo ka jirta gobolladeenna – Xamaas oo Gaza joogtq, Xisbullah oo Lubnaan ah, jihaad doonka Suuriya, iyo Al-Shabaabka Afrika, Argagaxisada waa in la ciribtiro.”

Sa’ar oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Wuxuuu si gaar ah farta ugu fiiqday xiriirka ka dhaxeeya kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee al-Shabaabta ka dagaalanta Soomaaliya ay kamid tahay iyo Xuutiyiinta Yemen.

Soo gelitaanka Israa’iil ee dagaalka Alshabaab ayaa laga cabsi qabaa inay horseeddo halis hor leh, lama’se oga sida ay dowladda Soomaaliya uga falcelin doonto.