U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in 41 xubnood Shabaab ah in ay ku dishay howlgal gaar ah

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo duqeyn ah ka fuliyey deegaanka Boos-Hareeri ee gobolka Sh/Dhexe iyo deegaanka Jambaluul gobolka Sh/Hoose ayaa dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA iyo Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo gaaraya 29 xubnood.

Sidoo kale, duqeyn ka dhacday deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay fulisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, ayaa lagu khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab.

Howlgalladan oo maanta billowday ilaa iyo hadda socda ayaa jab xoog leh lagu gaarsiiyay argagixisada.

Hay’adda NISA waxay dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.