U bood dhigaalka

DEG DEG: Shabaab oo Awdheegle ku qaaday weerar qaraxyo ku bilowday

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa Saaka dagaal ku dhexmaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen magaalada.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana xigay iska horimaad culus oo dhexmaray labada dhinac.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa iska caabiyay weerarka, iyagoo dagaal kula jira dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda, mana jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha labada dhinac soo gaaray.

Ciidamada dowladda ayaa wada howlgallo ay ku baacsanayaan dagaalyahanada weerarka soo qaaday Sida ay shaaciyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga.