Turkiga oo magaalada Muqdisho ka soo dejiyay diyaarado casri ah oo ka qeyb-galaya dagaalka Alshabaab
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Turkiga oo magaalada Muqdisho ka soo dejiyay diyaarado casri ah oo ka qeyb-galaya dagaalka Alshabaab
Dowladda Turkiga ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo dejisay diyaarado casri ah oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo kaalin firfircoon ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in dowladda Turkigu ay qaaday tillaabo culus oo wax weyn ka badeli doonta dagaalka Alshabaab, ayagoo rajo weyn ka muujiyay in diyaaradahani ay natiijo wax ku ool ah ka keeni doonaan goobaha dagaalka.
Diyaaradahan oo ah nooca loo yaqaanno Bayraktar Akinci ayaan dowladda Soomaaliya faahfaahin ka bixin in Turkigu ugu deeqay iyo in keliya ay dagaalka ka caawinayaan.