U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay kulanka madaxweyne Xasan Sheekh uu la qaaday madaxda Hirshabeelle iyo saraakiisha Ciidanka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa  kulan kula qaatay magaalada Moqokori Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada.

Madaxweynuhu ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynuhu uu ku suganyahay furimaha dagaalka.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalaya xaaladda ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sida ay howgalladu uga socdaan furimaha hore ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.