Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay shabeellada dhexe
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay dowladdu Ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgal si weyn loo qorsheeyay oo ay ku fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe waxay ku beegsadeen xubno ka tirsan Kooxda Alshabaab, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan xubnihii ku sugnaa goobta la weeraray, sida laga sheegay war saxaafadeedka.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wado deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo shabeellada dhexe.