Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Sabiib iyo duqeymo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Kooxda Shabaab ayaa weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday Saldhig Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaankaan ayaa hoos yimaada degmada Afgooye.
Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hortagay kooxda weerarka soo qaaday. wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha labada dhinac.
Dhanka kalena duqeymo iyo dagaal culus ayaa xalay ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe goob la sheegay in ay ku shirsanaayeen kooxda Shabaab.
Sidoo kale duqeymo lagu naafeynaayo Kooxda ayaa laga fuliyay deegaanka Sumadaale.
Kooxda ayaa weerar Safballaaran ah kusoo qaaday labada Shabeelle tan iyo bilowgii bishaan Ramadan.