U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay inay dishay in ka badan 80 xubnood oo Alshabaab ah

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa sheegtay in howlgallo duqeyn ah oo laga fuliyay nawaaxiga deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu diley 82 xubnood oo isugu jiray hoggaamiyaal iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Alshabaab.

Sidoo kale hay’addu waxay sheegtay in 19 kale lagu  dhaawacay howlgalkaas, ka dib markii la beegsaday koox doonaysay inay abaabulaan falal amniga lid ku ah oo ay ka geysan lahaayeen deegaannadaas.

Ciidanka xoogga dalka ayaa wada howlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayadoo duqeymo joogto ahi ay ka socdaan goballada shabeellooyinka iyo Hiiraan.