U bood dhigaalka

“Haddii Aad I Wareysato, Soo Ma I Dili Doonaan?”

Sheeko:War

“Haddii Aad I Wareysato, Soo Ma I Dili Doonaan?”

Baaritaan Ku Saabsan Gabdhaha Soomaaliyeed oo  ku xayirmay Argagixisada Shabaab Iyo Amni-darrada Xeryaha Barakacayaasha

Hordhac

“Haddii aad i wareysato, soo ma i dili doonaan? Adigana soo lagu xirayo?”
Kuwaas ayaa ahaa erayadii gariirayay ee ay igu tiri haweeney 32 jir ah oo aan kula kulmay xero barakacayaal ku taalla duleedka Muqdisho. Codkeeda gariiraya iyo gacmaheeda isku duuban waxay ahaayeen calaamad cad oo muujinaysa cabsi joogto ah oo ay la nooshahay.

Su’aasheedu waxay ka tarjumaysay oo kaliya cabsi ay iyadu qabto, balse sidoo kale waxay ku hadlaysay xanuunka kumannaan gabdho Soomaaliyeed oo laba jeer la dhibaateeyay: marka hore tuulooyinkoodii ay Shabaab ku qasbeen guur, kufsi iyo cabsi-gelin; iyo markale xeryaha Muqdisho oo ay uga sii darantahay dhaca, kufsiga iyo amni-darrada joogtada ah.

Sida ay sheegeen Guddiga Qaranka ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan 3 milyan oo qof, iyadoo guud ahaan dalka laga maamulo in ka badan 550 xero barakac. Muqdisho ayaa xambaarsan culeyska ugu weyn, hase yeeshee waxay weli tahay goobta ugu amniga liidata ee haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha.

Fartuun, 17 jir – Shabeellaha Hoose

(Magaceeda dhabta ah waa la beddelay sababo amni iyo asturnaan ah)

Fartuun waxay ku jirtay fasalka toddobaad markii Al-Shabaab ay dalbadeen in qoyskeeda ay siiyaan dagaalyahan ka tirsan argagixisada Shabaab. Aabbaheed waa diiday. Ciqaabtii waxay noqotay: canshuur lagu khasbo, hanjabaado joogto ah iyo in wiilashii looga qasab.

“Waxaan dareemayay in noloshaydu dhammaatay anigoo weli ilmo ah,” ayay tiri iyadoo ilmadu ka qubaneyso.

Habeen, iyada, hooyadeed iyo walaalaheed ayaa lug ku socday lix saacadood dhul kaymo ah, kaddibna waxay heleen gaari u qaaday Muqdisho. Hase yeeshee xerada ay gaareen waxay u noqotay xabsi kale oo cabsi ah.

“Habennimo walba waxaan ka baqaa rasaas iyo tuug hubeysan. Waxaan seexdaa anigoo og inay wax walba iga qaadan karaan,” ayay tiri.

Bishii Febraayo, nin ayaa isku dayay inuu kufsado gudaha teendhada. Hooyadeed ayaa ka difaacday, laakiin  gacanta ayaa looga dhaawacay toorey. Tan iyo markaas waxay habeen walba maalinkii geeyaan guryaha dariskooda ah. Habeenwalba waxa ay ku jiraan difaac.

“Markii hore waxay iga joojiyeen waxbarashada, hadda se waxay iga qaadeen hurdadaydii,” ayay Fartuun tiri.

Maryan, 14 jir – Jubbada Hoose

(Magaceeda dhabta ah waa la beddelay sababo amni iyo asturnaan ah)

Maryan waxaa lagu khasbay guur iyadoo 13 jir ah. Intaa kaddib, malleeshiyo ayaa iskuul ka qafaashay, waxayna u haysteen lix bilood, ilaa hooyadeed ka soo furtay. Waxayna usoo  qaxeen Muqdisho iyagoo rajeynaya badbaado.

“Laakiin magaalada aan ku fakarnay inay nabad na siin doonto waxay u noqotay meel kale oo cabsi ah,” ayay ii sheegtay Maryan.

Habeen, nin hubeysan ayaa galay teendhooda, wuxuuna ka qaatay telefoonkii Nokia-ga duugga ahaa iyo cuntadii. Labo habeen kaddib, xilli hooyadeed maqneyd, ninkaasi wuxuu Maryan ku kufsaday mindi qoorta uga qabtay. Deriska ayaa baxay qeyladeeda. Wuuna baxsaday.

Isbitaalka u dhow, Dr. Cumar Yuusuf ayaa xaqiijiyay kufsiga wuxuuna siiyay dawooyin degdeg ah. Deris ay magaciisu yahay Sacido Xasan ayaa bixisay $40 kharashka daaweynta.

Iyagoo ceeb iyo cabsi ka baqaya, qoyskii Maryan weligood kama aysan dacwoon saldiga  booliska.  Waxaan ay go,aansadeen in ay u guuraan xero kale.

Xerada Cabsida

Kuwani ma aha sheekooyin gooni u taagan, balse waa xaqiiq nololeed maalin walba ah.

Haweeney 28 jir ah ayaa sheegtay in tuug hubeysan teendhadeeda soo galay oo ku amray inay $20  oo heystay ay u wareejiso . Qoys kale ayaa sheegay in tuugo ka qaateen cunto iyo caano boore uu ganacsade u keenay isla habeenkii uu soo gaarsiiyay.

Xeryaha loogu talagalay inay hoy u noqdaan barakacayaasha ayaa noqday meel sharci la’aan ah oo dembiilayaashu ugaarsadaan dadka ugu nugul.

Xog iyo Caddeymo

Dadka u dooda xuquuqda barakacayaasha, Axmed Cumar Maxamed, ayaa sheegay in ugu yaraan laba kiis kufsi ah todobaad walba laga soo sheego xeryaha Muqdisho. Wuxuu aaminsan yahay in tiradu ka badan tahay, maadaama haween badan aamusan yihiin cabsida iyo ceebta awgeed.

Dr. Cumar Yuusuf, oo maamula xarun caafimaad oo u dhow xero, ayaa daweeyay 40 kiis kufsi hal sano gudaheed. “Waxaan aragnaa dhaawacyo jireed iyo nafsiyeedba, balse culayska ugu weyn waa aamusaanta,” ayuu yiri.

UNHCR waxay sheegtay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka ugu sarreeya tacaddiga ka dhanka ah haweenka xeryaha barakacayaasha. Sababta waxaa ka mid ah faqri, amni xumo iyo isla xisaabtan la’aan. Kaliya 35.8% dadka barakacayaasha ah ayaa og meelaha ay ka heli karaan adeegyada ka hortagga tacaddiga, taasoo ka hooseysa bartilmaameedka 75%.


Booliska iyo Maamulka

Xitaa saraakiisha amniga ayaa qirtay dhibaatada.

Mohamed Cabdi, oo ah sarkaal boolis ah, ayaa ii sheegay:
“Shaqaale ku filan ma hayno. Waxaan ognahay in dhaca iyo kufsigu dhacaan, balse cabasho rasmi ah marar dhif ah ayaa naloo soo gudbiyaa.”

Yuusuf Xasan, oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, ayaa qirtay:
“Waxaan u baahanahay ciidamo gaar ah iyo agab dheeri ah, balse weli tallaabooyin joogto ah lama qaadin.”


Codadka Maamulka Barakacayaasha

Si aan u fahmo sababta xeryaha Muqdisho u yihiin kuwo aan ammaan lahayn, waxaan wareystay masuuliyiin si toos ah ula shaqeeya dadka barakacay:

Axmed Mahamuud, Agaasimaha Barakacayaasha degmada Garasbaaleey – halkaas oo ugu badan qoysaska barakacayaasha ku nool yihiin – ayaa yiri:
“Waxaan halkan ku haynaa kumannaan qoys, balse ma jiro boolis joogto ah, agabkuna waa kooban yahay. Tani waxay haweenka iyo carruurta u daaysaa tacaddi joogto ah.”

Safiyo Xasan, Guddoomiyaha NCRI, ayaa qiratay fashilka ilaalinta gabdhaha:
“Waxaan bixinaa hoy, caafimaad iyo taageero nololeed, balse amniga ma aha howsha aan qaban karno. Waxaan u baahanahay iskaashi dhow oo booliska iyo ciidamada dowladda ah. Iyadoo taas la’aan, caawinteennu ma dammaanad qaadi karto badbaado.”

U Doodayaasha Xuquuqda Haweenka

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa iftiimiyay dhibaatooyinka qarsoon ee haweenka barakacayaasha.

Hooyo Shield Somalia, oo bixisa hoy iyo taageero nafsi, ayaa diiwaan gelisay tobanaan kiis culus.
“Labadii sano ee la soo dhaafay keliya waxaan daweeyay 122 haween barakacayaal ah oo kufsi loo geystay. Waxay noo yimaadaan iyagoo jabban, balse taageerada saxda ah iyo sharciyeynta, qaar badan ayaa bilaabaya inay noloshooda dib u dhisaan,” ayay tiri Dr. Sacido, oo ah cilmi-nafsi yaqaan hoggaaminaya xarunta.

Asha Maxamed, oo ah isku-duwaha dhalinyarada IDI, ayaa tiri:
“Gabdhaha xeryaha ku jira waxay sheekooyinkooda u sheegaan si hoose oo cabsi leh. Markaan codkooda si ammaan ah u faafino, waxaan tusnaa inaanay kali ahayn.”

Fartuun Xasan, oo ka tirsan aasaasayaasha ururka, ayaa tiri:
“Marka haweenka ay helaan dakhli xitaa yar, waxay diidi karaan guur khasab ama tacaddi. Karaamadu waxay ku bilaabataa madaxbannaani dhaqaale.”

Badbaado Women Watch (BWW)

Diiwaangelintu waa hub muhiim ah si loo jebiyo isla xisaabtan la’aanta.

BWW waxay maamushaa khad telefoon oo lagu soo waco tacaddiyada.
“Bishii waxaan diiwaan gelinaa tobanaan wicitaan – kufsi, guur khasab iyo tacaddiyo kale oo qoys. In badan maxkamadaha ma gaarin, balse ugu yaraan sheekooyinkoodu waa la duubaa,” ayay tiri Maryan Cabdulle, oo ah kormeere ururka ka tirsan.

Tani waxay muujineysaa sida xog uruurinta ay u muujin karto qaabka tacaddiyada.

Gunaanad

Sheekooyinka Fartuun, Maryan, iyo kumannaan kale waxay muujinayaan run naxdin leh: gabdhaha Soomaaliyeed ee barakaca ah in ay wajahayaan dhibaato lama mar ah . Markii hore Shabaab ayaa ku dhibaateeyay tuulooyinkoodii. Markii xigtay amni-darrada xeryaha loogu talagalay inay badbaadiyaan.

Su’aashu weli way taagan tahay:
Yaa ka qaatay  nabadda gabdhaha Soomaaliyeed? Shabaab, tuugada mise nidaam fashilmay oo ilaalin waayay?

W/Q: Cabdiweli Maxamed, Goobjoog Media Group – Muqdisho, 22 March 2025