Ciidanka Dowladda oo ka hortagay weerar kooxda Shabaab kusoo qaaday Masajid Cali Gaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay iska difaaceen weerarkii ay saaka soo qaadeen kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa weli la maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarka, iyagoo dagaal toos ah la galay kooxda weerarka soo qaaday.
Kooxda ayaa isku deydey in ay la wareegaan magaalada balse Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka sii ogaa qorshahooda ayaa dhabarka u dhigay kooxda.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka wada dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo saacadaha soo socda.