U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadweynaha Soomaaliyeed farriin hambalyo ah u diray, ugana baaqay garab istaagga Ciidanka qalabka sida 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin hambalyo ah oo ku addaan ciiddul fidriga u diray dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, asagoo xusay in inta qof argagixiso ahi uu dalka joogo aanu dareemayb wax sharaf iyo gobannimo ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koobaad uu siinayo qalabaynta iyo tayaynta Ciidanka Qaranka, asagoo sheegay in koox tiro yari aysan cabsi gelin karin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay dadka cabsida ka muujinaya weerarada Alshabaab ayaa ku tilmaamay qolyo qalbiga ka jirin, asagoo intaas ku daray in lala xisaabtami doono kuwa u haysta in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed oo isku dhinac ah iyo Alshabaab ay yihiin laba kooxood oo loolamaya.