U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish iyo Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey fagaare ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose oo uu ciidamada qalabka sida iyo boqolaal shacab salaadda ciidda kula Tukatay ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro Alshabaab, iyo fakirka kooxdaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in ballanqaadka ugu feecan ee ay Alshabaab u sameeyaan dadka markii ay doonayaan inay deegaan qabsadaan uu yahay ” na soo dhoweeya idinma dileynee”.

Asagoo intaas ku daray in wax kale oo hormar iyo dan ah aanay bulshada u haynin, taas badelkeedana ay doonayaan in la taageero si dilkooda looga nabad galo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa wuxuu guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo la dagaallanka kooxaha Daacish iyo Alshabaab, wuxuuna hadalkiisu ku soo beegmayaa xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inuu fidinayo gogol ay hoggaamiyaasha Soomaaliyeed isugu yimaadaan mucaarad iyo muxaafidba, si looga tashado badbaadada dalka.